Su'aalo iyo jawaabo Qaybta 2aad

 

S56aad: Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka (xawdka), Nebiga ka cabaaya?

J56aad: Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).


S57aad: Naarta yaa ugu hor gelaya Qiyaamaha?

J57aad: Waxaa ugu hor gelaaya Suldaan, Madaxweyne ama hogaamiye aan cadaalad sameyn.


S58aad: Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebiguﷺ, gacan tiisa ku dilay?

J58aad: Waa Ubaya bin Khalaf.


S59aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulkaﷺ sirtiisa ahaa?

J59aad: Waxuu ahaa Xudeyfah حذيفه.


S60aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabigaﷺ?

J60aad: Waxuu ahaa Tamiimuddaari تميم الدار


S61aad: Waxaa sheegtaa salaada aan lahayn rukuuda iyo sujuuda?

J61aad: Waa salaadda (meydka) ama salaadda (janaasada) lagu tukado.


S62aad: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta

J62aad: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.


S63aad: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?

J63aad: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.


S64aad: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?

J64aad: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.


S65aad: Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?

J65aad: Waa masaajidka Qubaa.


S66aad: Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?

J66aad: Maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.


S67aad: Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?

J67aad: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.


S68aad: Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J68aad: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.


S69aad: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebgaﷺ,sixray?

J69aad: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.


S70aad: Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J70aad: Wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas.


S71aad: Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?

J71aad: Waxay ahayd Nebi muuse hooyadii.


S72aad: Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?

J72aad: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.


S73aad: Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu Khattaab?

J73aad: Waxay ahayd suuradu Daahaa