Su'aalo iyo Jawaabo
S1aad: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta
J1aad: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.
S2aad: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?
J2aad: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.
S3aad: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?
J3aad: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.
S4aad: Waxaad sheegtaa masaajidka salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
J4aad: Waa masaajidka Qubaa.
S5aad: Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
J5aad: Maydka xalaasha ahi waa (Ayaxa iyo Kaluunka).
S6aad: Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
J6aad: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.
S7aad: Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?
J7aad: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.
S8aad: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebigaﷺ, sixray?
J8aad: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.
S9aad: Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?
J9aad: Wuxuu ahaa Cuqba binu abi Waqaas.
S10aad: Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?
J10aad: Waxay ahayd Nebi muuse hooyadii.
S11aad: Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?
J11aad: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.
S12aad: Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?
J12aad: Waxay ahayd suuradu Daahaa.
S13aad: Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya?
J13aad: Waa suuratu Mulk (Tabaarak).
S14aad: Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga?
J14aad: Waa aayada u danbeysa suurada al-Fatx.
S15aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin?
J15aad: Wuxuu ahaa Cumar binu Thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas.
S16aad: Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?
J16aad: Waxay ahayd Sumaya bintu Khayaad, (Aala Yaasir) Camaar ibnu Yaasir hooyadii.
S17aad: Waxaad sheegtaa duulaankii (Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?
J17aad: Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada.
S18aad: Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?
J18aad: Abuubakar sadiiq iyo Cabdir-Raxmaan binu Cawf.
S19aad: Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?
J19aad: Waa sanadkii ay dhimatay Khadiija binti Khuweylad, iyo Abuu Taalib.
S20aad: Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?
J20aad: Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu Suraara
S21aad: Jannada yaa ugu hor gelaaya??
J21aad: Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Muxammedﷺ.
S22aad: Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?
J22aad: Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kibray inuu sujuudo.
S23aad: Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?
J23aad: Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil.
S24aad: Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?
J24aad: Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.
S25aad: Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi Saciid al-Khudriyi?
J25aad: Waxaa la odhan jiray Sacad binu Maalik binu Sinaan (RC).
S26aad: Kumuu ahaa Asxaabigii Nebiguﷺ, yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay?
J26aad: Wuxuu ahaa Camaar binu Yaasir (RC).
S27aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?
J27aad: Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam (RC.
S28aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Allah salaanta uga keenay?
J28aad: Waxay ahayd Khadiija bintu Khuweylad (RC).
S29aad: Waa kuma sayidka shuhadadu?
J29aad: Waa Xamsa binu Cabdi Muttalib (RC).
S30aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebiguﷺ u sheegay inuu Alle jecelyahay?
J30aad: Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar (RC).
S31aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Aadaanka?
J31aad: Cabdullah binu Zayid (RC).
S32aad: Waxaad sheegtaa Suuradii Nebiguﷺ, yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?
J32aad: Waa Suuratu, Al-Fatax.
S33aad: Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?
J33aad: Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho.
S34aad: Waxaad sheegtaa magaca faraskii ugu horeeyey ee Rasuulkuﷺ, ku duulo?
J34aad: Waxaa la odhan jiray Sakab.
S35aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa’igtu ka xishoon jirtay?
J35aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan (RC).
S36aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?
J36aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun (RC).
S37aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmay Carshiga Alle?
J37aad: Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad al-Ansaariyi (RC)
S38aad: Waxaad sheegtaa Sir-hayihii (xog-hayihii), Nebigaﷺ?
J38aad: Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-Yamaan (حذيفة بن اليمان) (RC).
S39aad: Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee yidhi Bism Allaah ee aan waxba ku noqon?
J39aad: Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid (RC).
S40aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
J40aad: Wuxuu ahaa Abu Cubeyda Caamir Binu Jaraax.
S41aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal
J41aad: Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.
S42aad: Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu Hureyrah?
J42aad: Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).
S43aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abii Ayuub al-Ansaariyi?
J43aad: Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).
S44aad: Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abii Darr al-Qafaariyi?
J44aad: Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).
S45aad: Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
J45aad: Waxaa uu ahaa Sacad binu Abii Waqaas (RC).
S46aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
J46aad: Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).
S47aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
J47aad: Waa Sacad bin Mucaad (RC).
S48aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa’igtu soo bookhan jirtay?
J48aad: Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).
S49aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulkuﷺ, ku kafnay khamiis kiisii?
J49aad: Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu Abii Taalib hooyadii) (RC).
S50aad: Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebiguﷺ, yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
J50aad: Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.
S51aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abii Bakar as-Siddiiq?
(أبو بَكر الصّدِّيق عبد الله بن أبي قُحافة التَّيمي القُرَشيّ)
J51aad: Cabdullaah binu Abi Quxaafa.
S52aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?
J52aad: Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.
S53aad: Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
J53aad: Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.
S54aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
J54aad: Cismaan bin Cafaan (RC).
S55aad: Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
J55aad: Waa Salaada.
Join the conversation